Posts

Showing posts from November, 2022

sheekada buugga "THE RULES OF LIFE" XEERARKA NOLOSHA.

Image
Mr. Richard Templar waxa uu buuggiisaan kusoo gudbinayaa xeerar, talooyin iyo tilmaamooyin hadii aan dhaqan gelino nolosheenna ka dhiga sida ugu quruxda badan ee aan jecelnahay in ay ahaato, noloshaas oo ku asteysan farxad iyo guulo mira dhal leh. Waana sababta buuggan ka dhigtey mid aad loo jecelyahay misana loogu iibsiga badanyahay guud ahaan marka la joogo dunida buugaagta. Sadarada soo socda waxa aan isdultaag ku samayn doonnaa xeerarka iyo talooyinka ugu muhiimsan ee ku yimid buuggan qiimaha badan. Halkan inta ka dambeysa waxa kula hadlaya waa qoraaga buugga. HORDHAC Waxa aan isku dayi doonaa in aan kuu soo aruuriyo misana sida ugu haboon kuugu soo gudbiyo xeeararka nolosha ee aan la'aantooda noloshaada hagaageynin, ogolow ama diid!. Xeerarkanu ma aha kuwo ku xardhan dhagxaan dushood, ama wax aan la awoodin, ama aan la ogeynoo gabi ahaantood daahsoon. Waxaa ku dhaqma si caadi ah dadka guuleystey ee mar wal faraxsan, waxa aan ogaadey baadhis dheer dabadeed in dadka guuleystey a...

Dugsi weeye Noloshu!

Image
Waxa aan fahmay in noloshu dugsi tahay. Dhibtu se waa in dad yari arday run ah u noqdaan iskuulkan. Tiro badan oo dadkaa ka tirsani ayaa hadhaw macmiil u noqda dugsiga. Dabcanna “macmiilka” iyo “ardaygu” waa ay kala geddisan yihiin; oo macmiilka [noloshu] waxa uu u sameeyaa wax hore loo sameeyay, balse ardaygu wax cusub ayaa uu la yimaaddaa. Waa sida farqiga u dhexeeya addoonka iyo ardayga oo kale; oo addoonku, sida Yuusuf Qardaawi xusay, lama doodo haystihiisa, balse ardaygu waa uu la doodaa barihiisa.Waxa aan fahmay in wax badan oo aynu akhrinnaa aanu u qalmin in la akhriyo. Buugaag badan ayaa cadaadis iyo caga-juglayn lagu qoray, oo si caaddifaysan oo caqliga ka fog u hadlaya. Buug kale waxa loo qoray si shilimaad loogu doorsado. Qaar kalana waaqicaba ma khuseeyaan! Markaa suuragal ma aha in aynu wax kasta iska akhrinno, sida aanay macquul u ahayn in aynu iska diidno wax kasta. Waxa [halkaa] yaalla jirrabaad adag oo feker; waana meesha ay ku qarsoon tahay fariidnimada doorasho ee qo...

HADRAAWI: FAYLASOOFKA SOOMAALIYA.

Image
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): waxa uu qiyaastii 1943-kii ku dhashay miyiga degaanka gobolka Togdheer. Aabbihii Ibraahim Warsame Siciid oo Walanwal loo yaqaanney, ayaa Alle ha u naxariistee ahaa nin laftiisu wax ka yaqaan curinta maansada Soomaalida, gaar ahaan Afarreyda. Ibraahim Walanwal waxa uu geeriyoodey sannadkii 1983. Hadraawi hooyadii Kaaha Jaamac Buux ayaa iyadu waxa ay xijaabatey naxariistii janno Ilaah ha ka waraabiyee Maxamed oo qiyaastii jira 7-8 sannadood. Hadraawi waxa la dhashay oo ay walaalo ahaayeen toddoba wiil iyo gabadh keliya, waxana maanta nool saddex ka mid ah wiilashaasi. ISHA: Hadraawi Website Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qor...

Waa Ustaad Macruuf Abdi Rahmaan Macruuf oo ka warbixinaya waxa ku hoos duugan sharciga xeerka Kufsiga iyo dhibaatada ka dhalan karta.

Laga soo bilaabo Shin Bet, ku darso Aman, Waa muhiim xasuustaada Mossad. Maxaan ka wadaa.?

Image
Ma jirto Hay'ad sirdoon oo gooni u taagan kaligeed, sababtuna waa in basaasnimada ayba u baahan tahay saaxiibo iyo cadaw badan. Ugaarsiga cadawga waxay ubaahan tahay la saaxiibida cadawga marka hore.  Uma baahnid in aan kuu sheego in Hay'ad sirdoon ay u ugaarsi takto dal kale, iyada oo uu holac ka shidan yahay dalka laga leeyahay. Mossad si ay u ugaarsi takto, waxaa marka hore dhidibada loo aasay dhamaan tiirarka muhiimka u ah sirdoonka.  Gudaha Isra'iil ayaa nadiif ah waxaana ku filan basaasiinta madaxya waynta ah oo fadhigoodu yahay Tel Aviv.  Maanta iyo Mossad.  Wax cusub ama ugub ah ma aha in aan kuu sheego in Mossad ay weerar ku qaaday dhul ama dawlad carbeed, Midaan se waxay kamid tahay kuwa uga yaabka badan.  Waa Mossad oo ka dhex shaqaynaysa gudaha dhul carbeed oo waliba mudo dheer.  Waa wiil dhalinyaro ah, asalkiisu waa carab waxaana uu waxbarasho u aaday dalka Mareykanka.  Gudaha jaamacada ayuu ku bartay haweeney asalkeedu yahay Yahuudiyad, W...

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

Image
Addoonta beeraha loo diray waxa ay ku noolaayeen silic iyo dullaysi, habeen iyo maalin qodaal ayaa ay ku jireen, cunto fiican lama siinayn, marar badanna jidh dil iyo ciqaab aanay waxba ku mutaysan ayaa la marin jiray.  Addoonta guryaha loo diray aad bay uga ladnaayeen, cuntada xaabka iyo hambada ah ee dadka ay u shaqeeyaan ayaa ay ku noolaayeen, dharka gaboobay ee ay caddaanku ka baxaan ayaa loogu labbisi jiray, guryo aad u heersarreeya ayaa ay ka shaqaynayeen, meel fiican oo hoy ahna waa ay heli jireen. Haddaba mar kasta oo ay addoontii beeruhu u yimaaddaan kuwa guryaha ka shaqeeya iyaga oo doonaya in ay iska kaashadaan sidii ay addoonimada uga xoroobi lahaayeen, addoonta guryaha ayaa ka hor iman jirtay oo diidi jirtay in halgankaas la galo. Waxa taas ka darnayd waxa ay caddaanka haysta gaadhsiin jireen warka dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ah. Markaasaa ciqaab iyo dhibaato hor leh loo bilaabi jiray addoontii beeraha, riyadoodana god dheer lagu ridi jiray. Dhaqankani mar kasta waa uu...

Nolosha ayaad ka quusan marka laguu sheego in aad cimri dheer ku qaadan doonto qol yar oo ciriiri ah, way adag tahay in aad ku fekerto nolol iyo in aad dibada u baxdo."

Image
Hay'adaha sirdoonka waa kuwa inta badan gacanta kusoo dhiga shaqsiyaadka markaas la doon doonaayo, tani waxay ku xiran tahay tayada Hay'ada sirdoon ee dalkaas.  Ugaarsiga Hay'ada sirdoonka Yahuuda waa midka ugu halista badan marka aynu ka waramayno bariga dhexe. Falastiiniyiinta xaq-udirirka ah iyo Yahuuda boobka ku hayso dhulka Falastiiniyiinta,  Ma aha wax cusub ee waxaa cajiib ah in mar walba ay dhex marto dhacdooyin cajiib ah oo la yaab leh.  "Waxay ku dheceen gacanta sirdoonka Yahuuda, waxay galeen xabsiga ugu adag ee ku yaala gudaha Isra'iil, waxay ahaayeen kuwo aad u neceb Yahuuda,   Waxay og yihiin in aysan si fudud uga bixi karin gudaha xabsiga. Isku day baxsi oo aad samayso waxay ka dhigan tahay in lagu toogto. Yahuuda muhiim ayay u ahaayeen raggaan, sababtuna waa in ay ka tirsanaayeen ururo jihaadi ah. Qaarkood ayaaba ahaa hogaamiye yaal.  Waxay ku fekereen sidii ay uga baxsan lahaayeeen xabsiga, waxay ahaayeen kuwo aan rajo ka qabin in banaanka...

LULA DA SILVA : BAALASHLIHII BARAASIIL BADBAADIYEY – ===========

Image
~ Aniga oo madaxweyneyaashii hore kula dagaalamay in xukunka ay dheeraystaan. Maanta anigiina muddo xileedkayga sharciga ah ka badan joogi maayo" *** Lula Da Silva, waa hoggaamiye halgamaa bulsho ah oo laba xilli madaxweyne ka noqday dalkiisa Baraasiil. Waa siyaasi aaminsan aragtida bidixda u janjeedha oo taageero caalamiya dunida oo dhan ku leh. Qoys danyar ah ayaa uu ka dhashay sannadkii 1945, saboolnimadii adkayd ee uu carruurnimadii soo maray ayaana la aaminsanyahay in ay samaysay aragtiyihiisa siyaasiga ah ee markan dambe uu ku socday. In kasta oo uu Lula goor hore waxbarashada bilaabay, laakiin dhaqso ayuu toban jirkiisiiba uga dhacay, kaddib markii saboolnimadii adkayd iyo silici nololeed ee qoyskiisu u saamixi waayeen.  dhallaannimo ayaa uu ku bilaabay shaqooyin muruqmaal adag ah oo uu illaa dhalinyaranimadii waday; Baalashle muddo dheer ka shaqaystay jidadka magaalada São Paulo, kaalin shidaal oo uu bamka hayey, geerash baabuurta lagu dayactiro oo uu bira garaac ka ahaa ...

Sirdoonka Yahuuda waxay noqdeen awooda iyo hubka lagu gumaado dunida carbeed,

Image
Iran waxaa ay lumisay ama ay daycday xubno muhiim u ahaa Iran iyo guud ahaanba dunida carbeed, Iran miyaa dayacday Saynis yahanada mise Yahuuda ayaa awood ku dhex leh gudaha Iran?. Meel fog aniga oo kula aadin aan kaaga soo qabto 10kii sano ee u dambaysay, Waa subax hore 12 January 2010 Professor masoud alimohammadi waxaa uu ka soo kacay hurdada wuxuu isu diyaariyay shaqada, wuxuu ahaa Aqoon yahan dalkiisa ka caawiya samaynta Nukliyeerka , Wuxuu isu diyaarinayaa xiisad uu xili hore ku leeyahay jaamacada Tehran ( University of Tehran ) Balse nasiib daro markii uu banaanka guriga u soo baxay ayaa lagu dilay isla goobt, Sirdoonka Yahuuda ayaana fuliyay dilka saynis yahankaaan. Ma xasuusataa Mostafa Ahmadi Roshan ? Wuxuu ahaa saynis yahan aduunka oo dhan uu indhaha ku haayay, Xaqiiq marka laga hadlo Iran gabi ahaanba way dayacday saynis yahannadeeda, Mostafa wuxuu rajo badan ka qabay in uu arki doono guusha dadaalkiisa oo ahayd Iran oo Biyaha badda ku tijaabisa Nukliyeerkeeda. Balse ma a...

Ashraf marwaan. Dhimashada sirdoonki . Dhimasho daahson

Image
  Ashraf marwaan. Dhimashada sirdoonki . Dhimasho daahson , Macquulnimadi dhacdo laga murgo ah , aragti kale ayaa leh Qudha ayuu iska jaray (suicide) .Balse dhacdadan ka dhacday Bartamaha London ayaa dadka Dadka xeel dheerayaashu sheegen in ay eheed fal dil badheedh ahaa. Dhibanaha (ninka la dilay ) waxa uu ahaa nin maal qabeen ah waxy eheed bartamihii xagaagii waqti galabnimo ah , iyada oo dadka reer London ay u eheed maalin noloshu iska cadi tahay .  Dhinaca siyaasaduna ay eheed maalintii uu raisul wasaarihii UK (ingriiska ) ee xilligaa tony Blair uu kusii jeeday Aqalka boqortooyada si uu ugu gudbiyo Boqorada Quen Elizabeth is-casilaadiisa. Maalintaa 7 June 2007 waxaa lagu baraarugay maydka Ashraf Marwan oo ahaa 63 jir, Aabo labo carruura leh Ganacsade millionaire sidoo kale ahaa jaajuus oo dhacdiid u yaal Dhul dhaca hotel uu ka daganaa dabaqa 5 .  Ashraf Marwan ayaa noqday qofkii saddexaad ee Qaab noocan oo kale ah u dhinta oo u dhashay Egypt (masar) kuna noolUK (Ingr...

SANDUUQA SIRTA TURKIGA

Image
 Dil kasta oo loo gaysta saynis yahan ama qof saamayn ku leh dhulkiisa waxaa ka dambeeya waa fadeexo iyo Hay'adaha sirdoonka ay madaxa is daraan,  Shirqoolada is daba jooga ah ee ay fuliyaan Hay'ada sirdoonka Yahuuda iyo CIA-da Mareykanka inta badan si degdeg ah looma helo xogta balse mudo kadib wax walba banaanka ayay is keenaan. Kadib dhawr hawl-gal oo ka dhacay bariga dhexe waxaa soo baxay waxyaabo lama filaan.  Marka ay sidaan oo kale fadexo dhacdo waxaa qasab ah in la barto wajiyo cusub. Waxaana wajiyadaas kamid ah sanduuqa xiran ee Turkiga Hakan fidan.  Dilkii qaasim sulaymaani waxaa uu ahaa mid kamid ah sababaha dad badan ay ku barteen saaxiib kiis Hakan Fidan.  Waxaana warbaahinta inteeda badan ay qoreen kadib geerida qaasim sulaymaani in ay saaxiib ahaayeen .  Marka aad maqasho Hakan fidan waxaa kugu soo dhacaya waa af-gambigii Turkiga, waa hubaal in Hakan uu kamid ahaa shaqsiyaad qalbiga Erdogan aan ku go'ayn maanta saaxib dhaw la ah.  Ma aha...

Kani waa Khaluusi Akaar, wasiirka difaaca qaranka ee Turkiga oo muddo ka hor, si dareen leh uga warramaya dhibaatada ay sannadkii 2016 u geysteen kooxdi wadday isku daygii fagembi ee dalkaas ka dhacay.

Image
  Wasiirka ayaa waqtigii isku dayga afgembiga (15 Julay 2016) ahaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka siday oo markaas ahaa xil aad u awood badan, kooxda Afgembiga ayaa afduubtay kaddibna ka dalbaday in uu u saxeexo warqad uu ku ogolaanayo in milaterigu xukunka la wareego laakiin waa uu ka diiday. In kasta oo ay mar soo baxday in la dilay, haddana Maalintii labaad ayaa ay kooxdii haysatay iska sii deysay’ “8.30 fiidnimo ayaa ay wasakhdaasi ii soo galeen (Xafiiska), markaasay madaxa baastoolad igaga qabteen iyaga oo igu hanjabaya in xabbad ay madaxayga dhex marinayaan, laakiin waan diiday (Wixii ay rabeen). Bal marka aad barkintaada iska jiifto ka fikir, iyada oo adiga madaxa xabbad lagaaga hayo. Kuma ayaa ku dhici lahaa in uu "Maya" yidhaahdo. Meel cidla ah bay keliday i geeyeen, iyada oo dhinac kasta dad hubaysani iga joogaan. Aniga oo keliday ah ayaan hor fadhiyey. Laba warqadood ayaa ay hortayda soo dhigeen. Markaasay yidhaahdeen akhri oo saxeex. Ma aan saxeexin.  49 sanno...

Magacaaga oo lagu qoro diiwaanka dadka baxsadka ah ee dalka waxay ka dhigan tahay in maalin un lagu sumayn doono, aadna u dhiman doontid suntaas.

Image
Waa macquul in ay kuula muuqato khiyaal iyo iska dheh KGB waxay kugu ugaarsan doontaa goob walba dalka aad doontid joog.   Gudaha London ayay ahayd halkii lagu ugaarsaday Alexander Litvinenko. Kawran qofka ku dhiiraday in uu ka soo horjeedsado xukun jacaylka  Vladimir Vladimirovich Putin.?  Putin waxaa uu horay u isku dhaafiyay qaar badan oo ka horyimid xukunkiisa,  Tusaale qof walba oo mucaarad ku ah xukunka Putin waa dibad joog waxaase yaaab leh in qofka uu cabsi qabo sidoo kale qofka uu aaminsan yahay in uusan ka bad baadaynin sunta KGB.  Tusaale ninka ugu caansan mucaaradka dalkaas ee saxaafada caalamka ay indhaha ku haayaan waa Alex Navalny,  Waa dibad joog inta badan ka maqan dalka sidoo kale cabsi ku jooga, ku darso waxaa uu ku bad baaday dilal kala duwan oo lagu fulin lahaa isaga. Qaar kamid ah waxaa loogu tala galay in lagu fuliyo hawada sare, Tusaale diyaarad dhexdeeda.  Hadana waxaan dhihi karnaa noloshiisa ayay wax u dhimanaayeen....

Jiritaanka Yahuuda iyo saamaynta baaxada leh ee ay maanta aduunka ku leeyihiin

Image
 Jiritaanka Yahuuda iyo saamaynta baaxada leh ee ay maanta aduunka ku leeyihiin waxaa sabab u ah afartaan hay'adood oo mid walba ay qabato shaqo gaar ah. Dalka marka uu yeesho awood isu dheelitiran waxaa la heli karaa amaan iyo xasilooni. Macquul ma aha mana dhici karto in aad booqato Tel Aviv oo aysan xogtaada haynin ShinBet isla markaana aysan ogayn Mossad. Gudaha Isra'iil waxaad ku joogi kartaa ogaansho iyo in lagula socdo, Haddii dal uu samaysto 4 Hay'adood oo waawayn ama 3 Hay'adood oo waawayn kana wada shaqeeya arimaha amaanka shaki la'aan waxaa lala socon karaa tilaabada qof walba uu qaadaayo. Lama samayn karo haddii dadka shaqaynaayo ay yihiin dad shaqada soo codsaday. Inta badan Hay'adaha sirdoon ee caalmka way sameeyaan sidaan Pakistan ayaana kamid ah oo isla markiiba aad soo xasuusan kartaa. Qaarada madow yaa ka xasuustaa?

Waxaa looga yeeraa Aimen, Waxaa uu la shaqeeyay MI6 iyo Al-Qaacida.

Image
Labadiisa gacmood mida midig waxaa uu ku haayay Basiin, mida kalena waxaa uu ku haayay Dab, haddii ay is gaari lahaayeen waxay ahayd qatar isaga dhimasho ku sababi kartay. Mudo yar ayuu ku dhex milmay labada dhinac, balse hadda waxaa uu noqday ugaar. Aan si kooban kuugu sharxo qofkaan. Asaga oo 12 jir ah ayuu xifdiyay Qur'aanka, waxaa uu ku soo barbaaray sacuudi Carabiya. Caadi ahaan nolosha carbeed way ka duwan tahay mida galbeedka iyo guud ahaan caalmka kale. Aabihiis waxaa uu dhintay isaga oo yar sido kale hooyadiis waxa ay dhimatay 1 sano kadib markii uu xifdiyay Qur'aanka isaga oo 13 jir ah. Guud ahaan noloshiisa ayayna samaayn ku yeelatay arintaan, maskax ahaan iyo jir ahaan. Kadib waxaa uu iska dhaadhiciyay in aragtida ah "jihaad in uu ka qayb galo " Aragtida 1aad ee uu ka haystay  jihaadka uu yahay awooda dhabta ah ee aduunka lagu hogaamin karo, waxaana sidaas uu ku sheegay waraysi uu dhiibay dhawr sano ka hor. Waxaa uu qayb ka ahaa guluf lagu qaaday Bosnia, w...

Importance Of Cyber Security For Companies

Image
  If you manage a computer network for your business, you should be familiar with the term cyber security. In this article, we are going to talk about the importance of cyber security. The information given in this article will help you secure your computer systems against online threats. Read on to find out more. 1. Keep yourself Informed Today, the importance of cyber security cannot be denied. If you click on suspicious links and don't secure your passwords, your sensitive information will be at risk. If you are business information goes into the wrong hands, your business will be at risk. Therefore, you may want to keep yourself informed for the sake of your business. 2. Install Antivirus If you manage and a computer network system, you may want to consider the importance of antivirus programs. Technical teams are in need of a variety of tools, solutions, and resources. They cost a good deal of money. However, you may lose a lot of money if your sensitive information goes into ...

Artificial Intelligence As a Career Option: Admissions, Requirements and More

Image
With an increase in the demand for AI, many colleges or institutes have started offering AI courses in Toronto, Canada, at various levels. The importance of Artificial Intelligence has increased exponentially in the past few years. That's the reason why Artificial Intelligence courses are still in their initial stages. Many premiere colleges have introduced the courses to their curriculum by witnessing its increasing popularity and demand. And it's not just the scientific colleges or technical colleges but, other educational institutions are also doing the same. While looking forward to making a career in artificial intelligence, you will also come across the phrase 'Machine Learning.' How is Artificial Intelligence different from Machine Learning? Even though we often hear these terms together, AI and Machine learning are two different terms and should not be confused for one another. And often, their interchangeable usage makes it even more confusing for those trying ...

Digital Marketing

Image
  Being a Blogger is not only about writing quality content anymore, but it's also about implementing the best SEO practice, adding more value and social touch and do many more tasks. As all the bloggers have realized recently after the Google Penguin update. The importance of SEO has itself increased. There is an obvious need to change our view to SEO. And why not learn from the only website that ranks 1 for almost 99% queries. Yes, you guessed it. It is Wikipedia, the largest online encyclopedia. Whenever you want to learn some new words. Wikipedia is the place. There is no doubt, Wiki SEO is out of the box and they take care of each part of site SEO structure carefully. For us (Bloggers and SEO's) Wikipedia is a good case study to learn and understand what an effective SEO is. There are a lot of ways in which Wikipedia retains its online quality. But, it doesn't even use so much 'secret' SEO tips that you cannot figure out. Here, I have listed the SEO tricks used...