Nolosha ayaad ka quusan marka laguu sheego in aad cimri dheer ku qaadan doonto qol yar oo ciriiri ah, way adag tahay in aad ku fekerto nolol iyo in aad dibada u baxdo."

Hay'adaha sirdoonka waa kuwa inta badan gacanta kusoo dhiga shaqsiyaadka markaas la doon doonaayo, tani waxay ku xiran tahay tayada Hay'ada sirdoon ee dalkaas. 

Ugaarsiga Hay'ada sirdoonka Yahuuda waa midka ugu halista badan marka aynu ka waramayno bariga dhexe.

Falastiiniyiinta xaq-udirirka ah iyo Yahuuda boobka ku hayso dhulka Falastiiniyiinta, 

Ma aha wax cusub ee waxaa cajiib ah in mar walba ay dhex marto dhacdooyin cajiib ah oo la yaab leh. 

"Waxay ku dheceen gacanta sirdoonka Yahuuda, waxay galeen xabsiga ugu adag ee ku yaala gudaha Isra'iil, waxay ahaayeen kuwo aad u neceb Yahuuda,  

Waxay og yihiin in aysan si fudud uga bixi karin gudaha xabsiga.

Isku day baxsi oo aad samayso waxay ka dhigan tahay in lagu toogto.

Yahuuda muhiim ayay u ahaayeen raggaan, sababtuna waa in ay ka tirsanaayeen ururo jihaadi ah. Qaarkood ayaaba ahaa hogaamiye yaal. 

Waxay ku fekereen sidii ay uga baxsan lahaayeeen xabsiga, waxay ahaayeen kuwo aan rajo ka qabin in banaanka ay baxaan, waayo maba aysan sugaynin oo xukun ayaa ku dhacay. 

Waxay bilaabeen in ay qodaan dhulka hoostiisa, qolkii ay ku jireen, 

Tuubooyinka biyaha halka ay maraan ayay qadeen.

Waxayana godkii ka bixiyeen banaanka, sida ay tabisay warbaahinta ilaalada banaanka ee xabsiga qofkii lahaa wuu maqnaa, sido kale cameradaha qorsoon ee ku xiran ilaaladii joogtay waa ay seeexdeen. 

Way baxsadeen wayna ku guulaysteen baxasadkoodi.

Qof u muuqday in uu yahay dharcadka Yahuuda ayaa la soo xariiray xarunta dhexe ee booliska, wuxuuna u sheegay in 3 qof oo uu ka shakiyay uu arkay,

Kadibana Boliska ayaa yimid halkii si ay u hubiyaan waxa jira.

Boliska ayaa xariir la sameeyay xabsiga, kadibna waxaaba la waayay 6 nin oo isla xirnayd. 


Sirdoonka Yahuuda iyo ciidamada boliska waa ay ku guul daraysteen in ay soo qabtaan mudo ayayna daba socdeen, 

Baaritaan badan kadib waxaa dib gacanta loogu dhigay qaar kamid ah raggii baxsaday, dib ayayna ugu celiyeen xabsigii ay ka soo bexeen." 


Alle haka soo bad baadiyo gacanta Yahuuda oo ay adag tahay in aad ka soo baxsato.

Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!