Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.
Addoonta beeraha loo diray waxa ay ku noolaayeen silic iyo dullaysi, habeen iyo maalin qodaal ayaa ay ku jireen, cunto fiican lama siinayn, marar badanna jidh dil iyo ciqaab aanay waxba ku mutaysan ayaa la marin jiray.
Addoonta guryaha loo diray aad bay uga ladnaayeen, cuntada xaabka iyo hambada ah ee dadka ay u shaqeeyaan ayaa ay ku noolaayeen, dharka gaboobay ee ay caddaanku ka baxaan ayaa loogu labbisi jiray, guryo aad u heersarreeya ayaa ay ka shaqaynayeen, meel fiican oo hoy ahna waa ay heli jireen.
Haddaba mar kasta oo ay addoontii beeruhu u yimaaddaan kuwa guryaha ka shaqeeya iyaga oo doonaya in ay iska kaashadaan sidii ay addoonimada uga xoroobi lahaayeen, addoonta guryaha ayaa ka hor iman jirtay oo diidi jirtay in halgankaas la galo. Waxa taas ka darnayd waxa ay caddaanka haysta gaadhsiin jireen warka dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ah. Markaasaa ciqaab iyo dhibaato hor leh loo bilaabi jiray addoontii beeraha, riyadoodana god dheer lagu ridi jiray.
Dhaqankani mar kasta waa uu jiraa oo qof dan gaar ah iyo dhuuni ilaashanaya ayaa curyaamiya isku day kasta oo wanaag guud lagu raadiyo.

Comments
Post a Comment