Posts

Showing posts from July, 2023

What is the CIA Triad || Af-somali ? -Security threat framework- 

Image
  Saddexda xaraf ee “CIA” waxay u taagan tahay Confidentiality, Integrity, and Availability. CIA triad ku waa nooc loogu talagalay inuu hago siyaasada amniga ee macluumaadka kambaniga dhexdiisa. Confidentiality, integrity, availability saddexdan fikradood ee muhiimka ah ayaa ka dhigaya xogta mid secure ah CIA triad. 1: Confidentiality Confidentiality gu waa in laga ilaalshaa xogta qaaska ah ee kambaniga dadka aan loogu tala galin iney arkaan. Tani waxay badanaa ka dhigan tahay in isticmaalayaasha iyo habka la oggol yahay ay awoodaan inay galaan ama wax ka baddelaan xogta. Data encryption: waa habka ugu caan san marki lajoogo Confidentiality. 2: Integrity Integrity gu macnaheedu waa in xogta ama macluumaadka system ka la hayo si aanay wax uga beddelin ama aanay u tirtirin cid aan la ogalayn. Hash Value: waa habka ugu caan san ee lagu hubiyo in aan datada wax laga badalin 3: Availability Availability gu waa in uu qofka xogtiisa uu helikaro ama isticmaali karo goor kasta iyo goob walb...

Wax badan ka ogoow dhagarta kuwa internet-ka wax ku khiyaameeya(scammers) iyo farsamada cusub ee ay  adeegsadaan si ay ciwaankaaga ula wareegaan ama kuu dhibaateyaan.

Image
Maanta waxaa jira kumanaan nooc oo khiyaanooyin oo dhanka Internet-ka ah, laakiin badankood waxay isugu soo biyo shubanayaan in lagu xado lacag, hanti, ama macluumaad iwm. In Internet-ka lagu qiyaamo dadka, shirkadaha ama dowlado way jiri jirtay laakiin waxay sare usii kacday kadib markii cudurka safmareenka ah ee Covid-19 uu shaqo la'aan dhigay dad badan. Sanadba sanadka ka dambeeya tuugada internetku waxa ay keenayeen farsamo cusub taaso ay ku qaldayaan dadka si ay u dhacan, mar marka qaar waxay kuusoo dirayaan. Linkiyo been abuur ah, marna waxay kuusoo dhex marayaan applications ay iyagu sameeyaan si ay ula wareegaan ama u helaan xogtaada, applications- kaasi waxa ka mid ah facebook games iyo quizez-ka iwm. Facebook Games iyo Quizez-ku waxay khatar ku yihiin ammaan ahaanshaha cinwaankaga, mana habboona in la isticmaalo, waa meesha ugu habboon ee budhcad-internet-ku ku qariyaan malware (codes xaasidnimo ah) kuwaas oo waxyeelaya kombiyuutarkaaga ama taleefankaaga. March 2019 ayaa ...