TAARIIKH CUSUB AYAA LAGA SAMEEYEY SIYAASADA DALKA BRITAIN.
Taariikhdu dib ayey isu qortaa Lix iyo todobaatan sano ka hor Ingiriisku wuxuu kala qaybiyey Hindiya iyo Pakistan. Maanta nin Pakistani ah oo hogaamiya Scotland ( Hamza Yousaf) iyo nin Hindi ah oo hogaamiya Uk(Rishi Sunak) ayaa laga yaabaa inay ka wada hadlaan qaybinta dal waynaha Britain. Hamza Yusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan ayaa loo doortay madaxa cusub ee xisbiga talada haya ee dalka Scotland (Scotland National Party). Hamza Yusuf oo 37 jir ah ayaa noqonaya Wasiirkii Koowaad ee Scotland, hogaamiyihii ugu horeeyay ee Muslim Pakistani ah oo hogaamiye ka noqda xisbi siyaasadeedka Britain. Xamza Yuusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan, ayaa Xisbiga Qaranka Scotland ee Scotland National Party u doortay inuu beddelo Nicola Sturgeon oo ah madaxa xisbiga siyaasadda, ka dibna wuxuu noqonayaa wasiirka kowaad ee Scotland. Xamza Yuusuf oo 37 jir ah hada waa Xoghayaha Caafimaadka Scotland, wuxuna ku guulaystay inu noqdo waziirka koobaad ee dalka scotland...