DAGAALKA CIRIBTIRKA DOLARKA IYO ISBDEDELKA DHAQAALAHA DUNIDA

 W


axa bilaabmay Dhammaadka haybaddii caalamiga ahayd ee Maraykanku ku lahaa dhaqaalaha caalamka.

Wadamada ku midaysan  isbahaysiga BRICS (Brazil, Russia, Chine, India iyo South Africa)

waxay isu diyaarinayaan beddelka golayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee caalamiga ah ee hada jira sida G7,G20 etc.


BRICS waxay ka sare mareen wadamada ku midaysan G7(Germany, France, the United Kingdom, Italy, Japan, Canada, US iyo EU)  GDP ahaan . Sido kale waddamo badan ayaa doonaya inay ku biraan isbahaysiga dhaqaalaha iyo siyaasada ee BRICS oo ay ugu horeyaan  Mexico, Argentina, Saudi Arabia United Arab Emirates, Egypt, Algeria,  and Nigeria.


Sannadkii 2014, wadamada BRICS waxay uruuriyeen lacag dhan $50 bilyan (qiyaastii €46 bilyan) oo ay ku fureen "Bangiga Horumarinta Cusub" oo beddel  u ah Bangiga Adduunka(World Bank) iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka(IMF). 

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee Ukraine, wadamada BRICS waxay aad uga fogaayeen waxa loogu yeero reer Galbeedka. Hindiya, Brazil, Koonfur Afrika iyo Shiinaha midkoodna kama qayb qaadanin cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka. 


Bartamaha sanadkan  markii ugu horaysay 100 sano kadib dollarku ma noqon doono   lacagta adduunka, waxaan arki  doonnaa xumbada dollarka  oo sii dhacaysa sanadkaan  taasoo la micno ah in lacagta dollarku noqon doonto mid aan qiimo lahayn!.  Shalay uun baa la arkay hoggaamiye ka mid ah waddamada Afrika oo ku leh dadkiisa hadda bixiya dollarkiina sababtoo ah toddobaadyada soo socda  wax qiimo ah ma yeelan doonto lacagta dollarka. 


 BRICS waxay sido kale qorsheynayaan inay sameeyaan lacag dhijitaal ah bisha Luulyo ee sanadkan, iyagoo ujeedadodu tahay in meesha laga saaro awooda  lacagta dollarka.

Qubarada falanqeeya arimaha dhaqaalaha waxa ay ka digayaan saamaynta uu yeelan doono qiima dhaca lacagta dollarka. 


Azar Haji

Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!