Injineerada toobogarafikada iyo kaartogaraafikada:(Topographic & Cartographic Engineer)
Injineerada toobogarafikada iyo kaartogaraafikada:(Topographic & Cartographic Engineer) waxay door muhiim ah ka ciyaaraan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyagoo bixiya macluumaadka muhiimka ah ee juqraafiga iyo adeegyada khariidadaha(Mapping services). Dhowr siyaabood ayay uga qaybqaataan howlgallada militari: 1.Falanqaynta Dhulka(Terrain Analysis): Injineerada toobogaraafikada waxay dusha sare ka qiimeeyaan dhulka, iyagoo aqoonsanaya faa'iidooyinka istiraatijiyadeed ama caqabadaha laga yaabo inay saameeyaan dhaqdhaqaaqa militariga. Macluumaadkan ayaa muhiim u ah qorsheynta hawlgallo waxtar leh, kasoo ay fuliyaan ciidanka dhulka ee militariga. 2.Soo saarista Khariidadda:(Map Production) Injineerada kaartogarafikada waxay abuuraan khariidado tafatiran, iyagoo ka caawinaya millatariga inay maraan wado saxan sidoo kalena qorsheeyaan hawlgallada. Khariidado sax ah ayaa muhiim u ah howlgalada ciidamada si ay u fahmaan muuqaalka guud ee jihada loo socda sido kale waxay ka caawinays...