Ashraf marwaan. Dhimashada sirdoonki . Dhimasho daahson

 

Ashraf marwaan. Dhimashada sirdoonki . Dhimasho daahson


, Macquulnimadi dhacdo laga murgo ah , aragti kale ayaa leh Qudha ayuu iska jaray (suicide) .Balse dhacdadan ka dhacday Bartamaha London ayaa dadka Dadka xeel dheerayaashu sheegen in ay eheed fal dil badheedh ahaa. Dhibanaha (ninka la dilay ) waxa uu ahaa nin maal qabeen ah waxy eheed bartamihii xagaagii waqti galabnimo ah , iyada oo dadka reer London ay u eheed maalin noloshu iska cadi tahay . 


Dhinaca siyaasaduna ay eheed maalintii uu raisul wasaarihii UK (ingriiska ) ee xilligaa tony Blair uu kusii jeeday Aqalka boqortooyada si uu ugu gudbiyo Boqorada Quen Elizabeth is-casilaadiisa. Maalintaa 7 June 2007 waxaa lagu baraarugay maydka Ashraf Marwan oo ahaa 63 jir, Aabo labo carruura leh Ganacsade millionaire sidoo kale ahaa jaajuus oo dhacdiid u yaal Dhul dhaca hotel uu ka daganaa dabaqa 5 . 


Ashraf Marwan ayaa noqday qofkii saddexaad ee Qaab noocan oo kale ah u dhinta oo u dhashay Egypt (masar) kuna noolUK (Ingriiska ) 1973 Sarifiirkii Egypt (masar) u fadhiyay UK (ingriisk) ayaa qaabkan oo kale ugu dhintay isla dhismahaa . 2001 aktarad soad Hosny oo iyana u dhalatay Egypt ( masar ) ayaa si lamid ah u geeriyootay. Waxaa shaki ku jiray Ashraf Marwan ma wax uu jaajuus u ahaa Israel mise dalkiisii hooyo Egypt mise labda dalba. Police ka ayaa gaaray gunaanad ahaa in Ashraf Marwan uu isga is dilay (suicide) balse qoyska Ashraf ayaa Ku sheegay in ashraf uu lahaa himilooyin kuna talo jirina in uu is dilo .


 Ashraf Marwan waxaa u dhaxday inantii uu dhalay madxweynihii Egypt (masar) Gamal Abdi nasir , maalintaa ashraf uu London ku geeriyooday xaaskiisu waxay Ku sugneed Beirut halka labada caruur ah uu dhalayna ay Ku sugnaayeen Qaahira (Cairo) , intii uu noola ashraf waxaa lagu sheegay in uu ahaa Diplomat, gancsade ,siyaasi , la taliye dowladeed iyo jaajuus . waxaan shaki Ku jirin in uu jaajuus u ahaa Israel , Ashraf Marwan waxa ay wicitaano iyo qoraalo si joogta ah isu dhaafsadeen Sirdoonka Israeli ee loo yaqaan mosad waxa ayna u arkeen Ashraf Marwan in uu yahay Shaqsi ku haboon booskaa waxyna sirdoonka Israel hubeen in ay aad u yartahay in nin dal uu u dhashay in uu ka keeno xog rasmi ah in ay tahay 1000ba 1 (hal) "In loo helaa jawaab waafi ah Su'asha ah ,Ashraf Marwan Israel miyuu u gudbin jiray xogta dalka uu u dhashay ee Egypt (masar) waxay u baahantay baaritaan faraha looga gubto ,saacdo tiro badna lagu bixiyo .


 waxaa in la rog -rogo u baahan xog caynkee ah ayuu marwan la wadaagay Israel ,hadaybo jirto in uu xogo u gudbiyay wax saameyn taban ah kuma yeelan Egypt (masar) hadafyo ay leheed masar oo uu gudbiyay oo waxyeelo dhinaca bulsho ah iyo mid military ah arintaa owgeed ayaan qabaa in ashraf marwan uu ahaa sirdoon barax tiran oo masar u shaqeeyay "Tawhid magdy oo ah Qoraa taarikhyahan ah ayaa sidaa qabo . Ashraf Marwan wax uu gacan weyn Ku lahaa kala iibinta hubabka iyada oo uu heshiis ganacsi hubka ah la yeeshay Dowladaha libiya , Zimbabwe iyo Rwanda wax uu galay heshiisyo qatar aad sareyso lahaa oo Ku saabsanaa dhoofinta hubaka noocyadiisa kala duwan , diyaaradaha dagaalka iyo gawaaridaba . Macquul ma tahay in Marwan uu sababsaday kala iibintaa hubka illaa heerka caalami ahaa .


 " markii aad gasho suuqaa kala iibinta hubka ah waa in aad ogaata in noloshaadu tahay heer Gabo gabo ah , mar hadii aadan fulin heshiis aad gashay labo waa mid in aad cidii heshiiska kula gashay aad gacanta u galisaa hubka ama geeri ayay tahay wadiiqo kale oo kuu furan marna ma jirto balse hadii dhimashadiisu la xiriirtay ganacsigaa waxaa dhici leheed in ashraf Marawan dilkiisu ka dhaco caalamka sadexaad oo Africa ah marna ma suurto gasheen in bartamaha London lagu dilo ." Hadii aan dib ugu laabano saacadihii u danbeeyay ee Ashraf Marwan oo daganaa dhismo raaxo oo Qaali ah fogaan aad u yarna u jiro aqalka laga maamulo UK (10 house ). Asharaf ayaa la helay maydkiisa isaga oo af-ganbi u yaalo aqalka uu daganaa biyo dhiciisa .


 Dadka taarikhdiisa baaray in mudo ah ayaa qaba in ashraf Marwan ay sirdoonka UK isha Ku hayeen dhaq-dhaqaaqiisa Daw ayayna eheed in sirdoonka UK ay u aragti yeeshan maadama ay la socdeen ninkan saameyntiisa . "Carlton house terrace oo ahaa aqalka uu daganaa Ashraf waxaa Ku xiraa camerayoonin wadooyinka dhinaca Ku hayo waxaa Ku xiraa cameroyin ,wiishashka camera ayaa Ku xiraa , kaabada bore ee laga galo aqalka camera ayaa Ku xirayd balse maalintaa gabi ahaanba waxaa dansanaa dhamaan waxaa oo camera ah "Tawhid Magdy oo taariikhda wax ka qora . "Arinta CCTV ee maalintaa ayaa abuurayso dood maxaa yeelay CCTV yada UK waxa ay shaqeeyan har iyo habeen ,dooda ah maalintaa CCTV yadu ma aysan semeyneen wax duubitaan ah ayaa su'al ka dhalaneysaa " ismet Rawat June 2007 ayuu ashraf Marwan dhintay dhimashadiisiina mugdi badan ayaa hareeyay balse waxaa xaqiiq ah in dhamaan nolosha sirdoonadu u dhaxeyso run iyo been , Xaqiiq iyo been hawaas . 


Waxaa afkeena hooyo u badalay Kaysa Dahir Ali .

Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!