Todobadka danbe waxa gabi ahaanba is badali doona calamka technologyada iyada oo la daah furi doono horumarkii ugu waynaa tariikhda aadanaha.


Waxa la sii dayn doona qaybtii afraad ee baramijka chatgbt-4 kaas oo chatgbt 3.5 kii aan la ashqararsanayn  ka sii awood badan 500 oo mar 

Waxa ay ka dhigantahay taasi in todobadka danbe  caqliyada samayska ah loo isticmaali doona qorista filimada oo awal directors badan qadan jirtey (movie script writting) , iyo xitaa in la sameeyo actors macmal ah oo jilaya wax, lagagana maarmi doono kuwii caadiga ahaa.

Sido kale todobadka danbe waxa la awoodi doona in  buug ka kooban 200 oo warqadod lagu qori karo hal maalin kaas oo tafatiran wax khalad ahna ku jirin diyaarna u ah in la daabaco.


Waxa kale oo lagu samayn karaa chatgbt4 muuqaalo,sawiro,codad kuwaas oo dhammadtood aan horey loo isticmaalin kuna xidhan xogta aad adigu galisay.

isku so wada duubo baramijkan ayaa suuqa ka saari doona malayiin dad ah oo ka shaqaynayay hawlo uu isagu imika qaban karo hadii awal uu ka shaqayn jirey wadamada qaar todobadka danbe waxa loo sii dayn doona calamka oo dhan waxa uuna gabi ahaanba saamayn ku yeelan doona qaybaha kala duwan ee nolasheena iyada oo looga faa,iidaysan doono sector walba.


Mohamed Sharif Muktar

Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!