Magacaaga oo lagu qoro diiwaanka dadka baxsadka ah ee dalka waxay ka dhigan tahay in maalin un lagu sumayn doono, aadna u dhiman doontid suntaas.
Waa macquul in ay kuula muuqato khiyaal iyo iska dheh KGB waxay kugu ugaarsan doontaa goob walba dalka aad doontid joog.
Gudaha London ayay ahayd halkii lagu ugaarsaday Alexander Litvinenko.
Kawran qofka ku dhiiraday in uu ka soo horjeedsado xukun jacaylka
Vladimir Vladimirovich Putin.?
Putin waxaa uu horay u isku dhaafiyay qaar badan oo ka horyimid xukunkiisa,
Tusaale qof walba oo mucaarad ku ah xukunka Putin waa dibad joog waxaase yaaab leh in qofka uu cabsi qabo sidoo kale qofka uu aaminsan yahay in uusan ka bad baadaynin sunta KGB.
Tusaale ninka ugu caansan mucaaradka dalkaas ee saxaafada caalamka ay indhaha ku haayaan waa Alex Navalny,
Waa dibad joog inta badan ka maqan dalka sidoo kale cabsi ku jooga, ku darso waxaa uu ku bad baaday dilal kala duwan oo lagu fulin lahaa isaga.
Qaar kamid ah waxaa loogu tala galay in lagu fuliyo hawada sare,
Tusaale diyaarad dhexdeeda.
Hadana waxaan dhihi karnaa noloshiisa ayay wax u dhimanaayeen.
Gabar wariye ah oo u shaqaysa CNN oo laga leeyahay Mareykanka ayaa habeen uga yaabisay macluumaad ay soo bandhigtay CNN oo isagana lala wadaagay.
Waxaa la tusay dhawr qof sawiradooda.
Waxaana la waydiidyay bal qof un uu ka aqoonsado, waxaana uu sheegay in qofna uusan ka garanaynin.
Waxay u sheegtay arin ka yaabisay isaga iyo dunida oo dhan oo ahaa in mudo 3 sano ah ay safar la wadaageen 30 safar oo uu isaga galay.
Diyaarada ay la raaceen.
Waxaa laga yaabaa in aad is dhahdo 30 safar sidee dilka u suurto gali waysay ?
Dadka inta badan raaca diyaarada sida caadiga ah waxay aad u isticmaalaan Camera ama mida telfonka sabab la xariirta in qofka uu isaga sawiro iska qaado ama uu meelaha ku cusub ka qaado sawiro.
Tan waxaa ay caawinaysaa cameradaha qarsoon ee ku xiran garoomada.
Waayo way adag tahay qof uu wax ku dhex sameeyo waana ay fududahay qofkaas uu gacanta Poliska galo.
Alexei Navalny waxaa uu ka soo baxay hotelkii uu daganaaa bishii 8aad dhamaadkeedi sanadkii hore isaga oo u socda Moscow ayuu ka soo amba baxay Hotelkii uu daganaa.
Si fudud ayaa loogu dhex sumeeyay hotelka dhexdiisa mana uusan dareemin,
Isaga oo caadi ah ayuu yimid gudaha madaarka markii uu galay diyaaradiii ayana hawada ku jirto ayay suntii qabatay waana uu ku dhex rafaaday gudaha diyaarada.
In badan ayuu Rushka isku dayay in uu qariyo ceebaha la xariira samaynta Navalny balse way qarsoomi wayday.
Putin iyo kooxdiisa waxaa ay wax badan qariyeen xogta sunta waxaase fadeexada ugu badan ay ka timid Dhakhaatiirta jarmalka oo shaaciyay sunta nooceeda.
Vladimir Putin naftiisa ayaa ku eedeeyay in waxaan ay yihiin wax uu soo maleegay Mareykanka isla markaana lagu sumacad xumaynaayo xukunkiisa waa Putin'e.
Waxaan xasuustaa mar uu Putin yiri "waan sumayn karnaa qofka aan rabno lakin ujeedkeenu sidaas ma aha "
Waa runtiis KGB waxay ugaarsataaa cida ay doonto lakin arinta Navalny waxaa adkeeyay waa kaliya in uu ahaa nin aad caaan u ah iyo in dilkiisa mar walba loo leexinaayo Putin.
Tusaale Navalny markii lagu dhex dilo Moscow iyo markii lagu dhex dilo Paris waa ay kala duwan tahay.
Sababtuna waa goobta.
Putin ma aha qofka aad moodayso sido kale KGB ma aha sida aad moodayso.
Gudaha Moscow waxaa lagu shil baabuur lagu dilay xaaska iyo wil uu dhalay basaas hore oo u shaqayn jiray KGB hadase ku nool London.
Sumaynta, shilalka baabuurta iyo dilalka qorshaysan ee KGB waxay dul hoganayaan qof walba oo godob ka galay maalin un Ruushka.
Kawaran haddii maalin un uu magacaago galo diwaanka aynu ka sheekaynay ?
Share dheh mahadsanid akhriste.

Comments
Post a Comment