Wax badan ka ogoow dhagarta kuwa internet-ka wax ku khiyaameeya(scammers) iyo farsamada cusub ee ay  adeegsadaan si ay ciwaankaaga ula wareegaan ama kuu dhibaateyaan.


Maanta waxaa jira kumanaan nooc oo khiyaanooyin oo dhanka Internet-ka ah, laakiin badankood waxay isugu soo biyo shubanayaan in lagu xado lacag, hanti, ama macluumaad iwm.

In Internet-ka lagu qiyaamo dadka, shirkadaha ama dowlado way jiri jirtay laakiin waxay sare usii kacday kadib markii cudurka safmareenka ah ee Covid-19 uu shaqo la'aan dhigay dad badan.

Sanadba sanadka ka dambeeya tuugada internetku waxa ay keenayeen farsamo cusub taaso ay ku qaldayaan dadka si ay u dhacan, mar marka qaar waxay kuusoo dirayaan. Linkiyo been abuur ah, marna waxay kuusoo dhex marayaan applications ay iyagu sameeyaan si ay ula wareegaan ama u helaan xogtaada, applications- kaasi waxa ka mid ah facebook games iyo quizez-ka iwm.

Facebook Games iyo Quizez-ku waxay khatar ku yihiin ammaan ahaanshaha cinwaankaga, mana habboona in la isticmaalo, waa meesha ugu habboon ee budhcad-internet-ku ku qariyaan malware (codes xaasidnimo ah) kuwaas oo waxyeelaya kombiyuutarkaaga ama taleefankaaga.

March 2019 ayaa shabakadda CNN daabacday in laba budhcad-internet (Hackers) oo u dhashay waddanka Ukraine in ay hack-gareeyeen ilaa 60,000 oo account, kuwaas oo isticmaalay game ay sameeyeen oo ahaa “What kind of dog are you according to your zodiac sign?".

Hadaba waa nocee farsamada cusub ee ay la yimadeen tuugada internetka taasi oo ciwaano badan oo dad soomaaliyed leeyihiin lagula wareegay....?

Maalmahan waxa baraha bulshada ku arkaysaa dad badan oo la sheegaayo in ciwaanadodii la jabsaday, waxad arkaysa iyado la dhahaayo qof hebel ciiwaankisa lala wareegay oo dadka asxaabtiisa ah ayaa  ciwaankiisa laga waydisanaya lacago deen ah tusaale marka ciwaankaga lala wareego tuugadu waxa ay baarayaan oo dib u aqrinayaan farimaha aad is dhaafsateen saxibadaada kadib ayey si farsamysan ayago raacaya shekadiinii hore waxa ay waydinayan lacag ayago iska dhigaya in aad adiga waydisanayso.

 Hadii uu kula soo xiriiro qof saaxiibkaaga ah oo uu kaa codsado in aad ka caawiso arinkaan  oo uu ku dhoho facebook page-kayga  aya iga xermay waxa la iigu xujeeyey oo la i waydinayaa fariin varification wax la dhaho oo saxibadada hakuso cadeyaan ah inaad adiga ledahay marka maiga caawin kartaa..? Dhoor qofna wa u diray adna adoo online ah ayaan ku arkay waxaana kusoo dhacaya code accounkayga ka socda marka iigu soo celi oo iso dir code-kaasi.


 Hade ogow code ka laguu soo diraayo waa code-ka ciwaankaaga lagula wareegi lahaa waayo qofkani ma aha saaxiibkaaga ee waa tuugada internetka(Scamers) oo sidan oo kale saaxiibkagi ciwaankisa kula wareegay qofkani ku dhahaya code- ka iso dir isla waqtigaasi waxa uu forget gareeyey ciwaankaga waxa kaliya ee uga harsan   inuu ciwaankaga la wareegana waa inuu helaa code-kaasi oo aad adigana u dirto.

Hadaba si aan ciwaankaga lagaala wareegin fadlan taxadar badan samee hubsiimo badan samee, tuugada internetka ama scamers-ku waxay dadka laso xiriirayaan waqtiyada dadku ay isku diyarinayan hurdada, waqtiyada qofku shaqo kujiro, ama howl gaara haysto intaas oo dhan waxay ku ogaanayaan farimihii aad saaxiibkaga is dhaafsateen.


Fadlan ka taxadar farsamada tuugada internetka(scamers) saaxiibkaana uga dig halistooda.

~  Azar Haji

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!