Waxaa looga yeeraa Aimen, Waxaa uu la shaqeeyay MI6 iyo Al-Qaacida.



Labadiisa gacmood mida midig waxaa uu ku haayay Basiin, mida kalena waxaa uu ku haayay Dab, haddii ay is gaari lahaayeen waxay ahayd qatar isaga dhimasho ku sababi kartay.

Mudo yar ayuu ku dhex milmay labada dhinac, balse hadda waxaa uu noqday ugaar.

Aan si kooban kuugu sharxo qofkaan.

Asaga oo 12 jir ah ayuu xifdiyay Qur'aanka, waxaa uu ku soo barbaaray sacuudi Carabiya.

Caadi ahaan nolosha carbeed way ka duwan tahay mida galbeedka iyo guud ahaan caalmka kale.

Aabihiis waxaa uu dhintay isaga oo yar sido kale hooyadiis waxa ay dhimatay 1 sano kadib markii uu xifdiyay Qur'aanka isaga oo 13 jir ah.

Guud ahaan noloshiisa ayayna samaayn ku yeelatay arintaan, maskax ahaan iyo jir ahaan.

Kadib waxaa uu iska dhaadhiciyay in aragtida ah "jihaad in uu ka qayb galo "

Aragtida 1aad ee uu ka haystay  jihaadka uu yahay awooda dhabta ah ee aduunka lagu hogaamin karo, waxaana sidaas uu ku sheegay waraysi uu dhiibay dhawr sano ka hor.

Waxaa uu qayb ka ahaa guluf lagu qaaday Bosnia, waxaa uu sidoo kale ururka ku soo daray saaxiibo badan oo uu lahaa.

1996 ayuu la kulmay hogaamiyihii Al-Qacida Osma Binladin,

Waxaa uu shegay in markii uu la kulmaayay ay ahaayeen 14 qof oo isla socotay, waxaa uu intaas raaciyay in uu xiiso gaar ah u haayay la kulanka Osama balse ay jirtay cabsi ah in uu si fudud uga shakin karo.

Wada hadalkii ugu horeeyay ama sheekadii ugu horeeysay ee dhex martaana waxay noqotay arimaha Mareykanka ee la xariira dunida kale iyo sida Mareykanka uu halis ugu yahay caalamka islaamka.

20% Jihaad doonayaasha waxay ka soo jeedeen xiligaas dalka Afghanistan.

Sanado kadibna wax walba waxay isku rogeen dhanka kale.

Si toos ah waxaa xiligaas u bilaabatay holaca rasaasta oo ay kaamiradaha duubaan.

Awooda Al-qaacida ee hubka xiligaasna wuu xoogaystay.

Xiligaan waxaa jirtay ka go'naansho ah in lalal dagaalamo America iyo in weerar lagu qaado dawaladaha kale ee aan islaamka ahayn.

Intaas kadib ninkaan waxaa uu gacan yare u ahaa Osama isaga oo kala shaqayn jiray arimaha jihaadka.

Kuma uusan ekayn intaas ee waxaa uu fuliyay hawlgalo cajiib ahaa,

Sida in uu hogaamiyay weerar laga dhex fuliyay gudaha Afghanistan xero qaxooti oo uu isaga markaas ahaa hogaamiyihii weerarka qaaday ee burburiyay.

Sido kale waxaa uu ahaa khaarijiyay shaqsiyaad uu ku dhex ugaarsaday gudaha Afghanistan iyo banaanka Afghanistan. 

Dadka uu iska hor leexiyay waxaa kamid ahaa kuwo ay ku adkaatay in ay dhamaystirtaan tababarka kooxda oo doonaayay in ay iskaga baxaan,

Markii uu la fahmay ayuu si hoose u dhaadhiciyay.

Balse ugu dambayn isaga ayaaba hoosta ka xariiqay in uu ka soo boxo buuraha Afghanistan micnaha uu kooxda ka soo goosto.

Xiligaas waxaa uu la il darnaa Malaria iyo Typhoid oo uu ka qaaday cabista biyaha wasaqaysan iyo qaniinyada kaneecada.

Xiligaas waxaa loo qaaday dalka Qatar ,

Xaalad caafimaad oo uu galay kadib markii uu soo raystay waxaa laga casuumay mid kamid ah xafiisyada sirdoonka Qadar .

Waxay i waydiiyeen su'aalo dhawr ah,

Waxaa la isoo bandhigay in aan la shaqeeyo mid kamid ah hay'adaha sirdoon aduunka ugu waawayn.

Faransiiska, Ingriiska iyo Mareykanka. 

Mudo 1saac iyo bar ah ayaan jaanis u haystay in aan kala doorto,

Waan ka fekeray waxaa isoo baxday in haddii aan iskaag noqdo halkii aan ka imid aysan wax micno ah sameeneenin.

Balse marba haddii aan garoonka soo galay waa in aan ciyaaro ayuu leeyahay.

Waxaa uu ula jeedaa waa in aan saamayn ku yeeshaa badwaynta sirdoon ee aduunka.

Waxaa iigu xasuus badnaa hadladiisa " mar kasta oo aad tahay sirdoon waa in aad leedahay goobo lagugu aqoonsado balse lagu wareero kala doorashooda."

Waxaa uu ula jeedaa in uu xitaa shax aan caadi ahayn uu la ciyaaray sirdoonka Qatar.

"Qof walba oo aan ka shakiyo in uu isoo daba raacayo waxaan ula dhaqmaa si xeelad ku dheehan tahay,

Tusaale haddii aan socdo jid aan arko qof i daba socda waa in aan yareeyo xawaaraha socodkayga si qofkaas uu iiga hor maro oo aan u go'aamiyo mar walba aniga waxa aan sameenaayo."

----Aimen

2006 ayuu ka degay magaalada Paris halkaasi oo uu tagay isaga oo ah qof caadi ah.

Micnaha aan u shaqyan hay'ad gaar ah.

Isaga oo iska baashaalaayo ayaa waxaa u soo dhacday fariin ka timid buurihii uu ka soo baxay ee Afghanistan waxaana lagu war galiyay in uu booqdo Website ka soo baxa Mareykanka. 

" CIA-da Mareykanka ayaaba magaciisa oo sax ku soo daabacday qaybta hore ee joornaalka "

Naxdin.

Maalintii xigtay ee axada ahayd waxaa uu ka soo dagay magaalada London ee ingriiska,

London waa halka uu ku gudbiyay sirta Al-qacida.

MI6 - wuxuu u noqday sanduuq ay ku kaydsan yihiin xog muhiim ah.

Balse Ingiriiska ayaa u noqotay saldhig uusan dhinac u dhaafin.

Gudaha Ingiriiska kama uu dhex cabsoodo, hadana ma jirto cabsi la'aan.

Ka dhex shaqaynta basaasnimada waxaa uu ku sheegay in ay leedahay madax xanuun, walwal, iyo caafimaad daro xaga maskaxda ah.


W/Q:Garruun Yare 


Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!