SANDUUQA SIRTA TURKIGA

 Dil kasta oo loo gaysta saynis yahan ama qof saamayn ku leh dhulkiisa waxaa ka dambeeya waa fadeexo iyo Hay'adaha sirdoonka ay madaxa is daraan, 

Shirqoolada is daba jooga ah ee ay fuliyaan Hay'ada sirdoonka Yahuuda iyo CIA-da Mareykanka inta badan si degdeg ah looma helo xogta balse mudo kadib wax walba banaanka ayay is keenaan.

Kadib dhawr hawl-gal oo ka dhacay bariga dhexe waxaa soo baxay waxyaabo lama filaan. 

Marka ay sidaan oo kale fadexo dhacdo waxaa qasab ah in la barto wajiyo cusub.

Waxaana wajiyadaas kamid ah sanduuqa xiran ee Turkiga Hakan fidan. 

Dilkii qaasim sulaymaani waxaa uu ahaa mid kamid ah sababaha dad badan ay ku barteen saaxiib kiis Hakan Fidan. 

Waxaana warbaahinta inteeda badan ay qoreen kadib geerida qaasim sulaymaani in ay saaxiib ahaayeen . 

Marka aad maqasho Hakan fidan waxaa kugu soo dhacaya waa af-gambigii Turkiga, waa hubaal in Hakan uu kamid ahaa shaqsiyaad qalbiga Erdogan aan ku go'ayn maanta saaxib dhaw la ah. 


Ma aha nin shaashadaha ka soo muuqdo,

Waxaa uu dhawr jeer ka bad baaday isku day dil oo isaga ayaa bur buriyay qorsheyaal badan oo lagu qaarajin lahaa.

Mossad wuxuu uga jiraa liiska ay ku qoran yihiin dadka ugu halista badan guud ahaan bariga dhexe. 


Hakan Fidan Asalkiisu waa Turki ma haysto wax dhalasho 2aad ah 1968 waxaa uu u dhexeeyaa da'aada 51-52 sano jir.

Ma aha nin ku cusub siyaasada oo waxaa uu kal hore ku dhex milmay siyaasada. 


Kasoo bilaw xiligii uu wax barashada u joogay Mareykanka ilaa maanta uu yahay Taliyaha Hay'ada sirdoonka Turkiga MIT .

Waa khabiir awood u leh xalinta iyo maaraynta arimaha markaas uu ku dhex jiro.

2006 ayuu soo afmeeray heerka 3aad ee jamacada PhD. 


15 sano kadib waxaa uu ka soo luga laabtay shaqadiisii hore ee ahayd ciidamada qalabka sida goortaasna waxay ahayd 2001 dii,

Intaas wixii ka dambeeyay ayuu u janjeersaday dhanka siyaasada oo uu ku dhex milmay. 


Shaqadaasina waxaa ay uga bilabaabatay safaarada Australia ee Turkiga,

Shaqadii 2aad ee uu qabtayna waxay ahayd markii uu la taliye dhanka siyaasadaah uu u noqday wasiirkii arimaha dibada ee xiligaas dalka Turkiga Ahmed Da'uud Oclo .

Shaqadii ugu xigtay ee uu qabtayna waxay ahayd in uu noqday qofka ugu sareeya Hay'ada Tika,

Waana Hay'ad ka shaqysa arimha suuq gaynta Turkiga dunida inteeda kale. 


Intaas wixii ka dambeeyay wuxuu soo dhex galay badwaynta sirdoonka oo waxaa uu noqday Taliyaha Hay'ada sirdoonka dalka.

Marka uu halkaan yimid waxaa u taalay shaqo badan oo wuxuu baahnaa in uu wax badan ka qabto Hay'ada maadama ay ahayd mid aad u liidata tayo ahaan. 


Waxaana xiligaas magaaalada Ankara la isku dhaafsan jiray basaasiinta waxaana ku dhex jiray Ankara kaadiriin waawayn.

Shaqadiisii 1aadna waxaa uu ka dhigay in uu basaasiinta ku sugan dalka Turkiga uu gabi ahaanba xidada u siibo,

Intaas kuma uusan ekaan eee waxaa uu albaabada iskugu dhuftay xafiisyadii Fatxullah Golan. 

MIT maanta waa sirdoonka ugu awooda badan Bariga dhexe.

Mossad waxaa uu ku noqday laf dhuun gashay waxaana suurta gal noqon wayday in ay dilaan .

Waxaase ooga darnaa in uu burburiyay awooddii sirdoon ee gudaha Turkiga, 

Inta uu ahaa Taliyaha Hay'ada sirdoonka Turkiga waxaa Hay'ada ay gudbisay liiska 10 basaas oo Yahuud ah kuwaas oo lagu dhex beeray sirdoonka Iran.

Jawaabta iran waxay noqotay dil toogasho ah oo waxba ma aysan raadinin xal 10 kii basaas ee Yahuuda ahayd ayaa madaxa laga wada toogtay. 

Uma baahnid in aan kaaga sheekeeyo kaalintii uu ku lahaa samata bixinta xukunka Erdogan, 

Waxaa uu ahaa liintii lagu daray caanaha "

Waxaa uu kala daadiyay hawlgalkii af-gambiga dalka Turkiga " Isku day af-gambi ". 

Waana sababta maanta uu yahay albaaabka 1aad ee laga galo xafiiska madax wayanaha Dalka Turkiga, 

Ku darso waa sanduuqa siraha Erdogan, 

Ha iloobin waa awooda 2aad ama 1aad ee dalka Turkiga. 

Erdogan waa qofka 1aad ee uu la qaato waqtigiisa waliba xiliyada dambe ee habeenkii . 

Isagu waa Hakan fidan agasimaha sirdoonka dalka turkiga 


W/Q: Garruun Yare.

Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!