Laga soo bilaabo Shin Bet, ku darso Aman, Waa muhiim xasuustaada Mossad. Maxaan ka wadaa.?


Ma jirto Hay'ad sirdoon oo gooni u taagan kaligeed, sababtuna waa in basaasnimada ayba u baahan tahay saaxiibo iyo cadaw badan.

Ugaarsiga cadawga waxay ubaahan tahay la saaxiibida cadawga marka hore. 

Uma baahnid in aan kuu sheego in Hay'ad sirdoon ay u ugaarsi takto dal kale, iyada oo uu holac ka shidan yahay dalka laga leeyahay.

Mossad si ay u ugaarsi takto, waxaa marka hore dhidibada loo aasay dhamaan tiirarka muhiimka u ah sirdoonka. 

Gudaha Isra'iil ayaa nadiif ah waxaana ku filan basaasiinta madaxya waynta ah oo fadhigoodu yahay Tel Aviv. 

Maanta iyo Mossad. 

Wax cusub ama ugub ah ma aha in aan kuu sheego in Mossad ay weerar ku qaaday dhul ama dawlad carbeed,

Midaan se waxay kamid tahay kuwa uga yaabka badan. 

Waa Mossad oo ka dhex shaqaynaysa gudaha dhul carbeed oo waliba mudo dheer. 

Waa wiil dhalinyaro ah, asalkiisu waa carab waxaana uu waxbarasho u aaday dalka Mareykanka. 

Gudaha jaamacada ayuu ku bartay haweeney asalkeedu yahay Yahuudiyad,

Waa bilawga sheekadeena .

Xariir mudo jiray iyo jacayl soo jiitamay waqti dheer kadib waxaa dhex maray xariir leh noocyo badan, 

Waxay wadaageen sariirta oo dhawr jeer ayuu u galmooday , dareen cajiib ah ayuuna ka sii qaaday,

Waxaa ay ka duubtay muuqaal qarsoon,

Waxaa ay bartay qaar kamid ah hantiile yaasha Yahuuda, 

Waxaana ay ku harqiyeen aduun dhaqaale,

Ma ahayn deeq ee waxay ahayd dayn. 

Waxaa uu isla xiligaas ku dhex jiraa 2 arin oo halis ku ah mustaqbalkiisa,

Mida 1aad oo ah muuqaaalka,

Mjda 2aadna waa daynta maskaxdaada ka wayn ee uu ka qaatay hantiileyaasha Yahuuda. 

1995 ayay is horfadhiisteeen isaga iyo xubno sare oo ka tirsan Mossad, 

Waxaa uu noqday afhayeenka rasmiga ah ee safaaradda dalka  ee uu ku leeyahay Mareykanka. 

Shaqadiisa basaasnimada halkaas ayayna si toos ah uga bilaabatay, 

Maba uusan istaagin labada dhinacba waa uu la shaqeeyay.

Waxaana uu noqday la taliyaha diwaanka boqoradayda. 

Waxaa uu noqday safiirka dalka u fadhiya Washington. 

Waxaana markii dambe uu noqday wasiirka arimaha dibada ee boqoradayda. 

Waxaa uu wajigiisa u isitcmaalay 2 nooc oo kala fog,

Mar waxaa uu ahmiyadda siinayay danaha iyo amuuraha Yahuuda,

Sido kale waxaa uu hoosta ka xariiqaayay mar walba in uu danaha boqoradayda. 

Xariirka isaga iyo Mossad waxaa uu sii dhex mari jiray Washington safaarada dalka uu ku lahaa halkaas. 

Qofka aan kaaga sheekaynaayo waa wasiirkii hore ee arimaha dibada ee sacuudi carabiya.  Caadil Al Jubayr.

Waxaa uu Mossad la shaqaynaayay 25 sano iyo dheeraad.

Waxaase fajac noqotay markii wargays laga leeyahay Mareykanka uu daabacay warkaan oo ah mid walaac  galiyay dawaldo badan oo dayacan. 

Ma aamini kartid in aan kuu sheego "markii Caadil uu waayay xilkii in xanaaqa iyo canaanta ay ka soo yeertay Tel Aviv. " 


Warbaahintaan ma aha mid faahfaahsan,

Waxaana wali socda baaritaan la xiriira wasiirkii hore ee arimaha dibada ee sacuudi carabiya. 

Waxaa la shaaciyay si faafreeban oo daabici doono buuga laga qoraayo baaritaanka Caadil.

Comments

Popular posts from this blog

Addoontii madowga ahayd ee Maraykanka la geeyey laba ayaa loo qaybiyey; qayb guryaha loo dirtay iyo qayb beeraha lagu qodi jiray.

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Dugsi weeye Noloshu!