Blackmail (kompromat, coercion)
Blackmail waa marka qof ama koox lagu qasbo inay bixiyaan lacag, xog sir ah, ama adeeg, iyadoo lagu hanjabayo in la faafin doono xog dhaawici karta sumcaddiisa, shaqadiisa, ama noloshiisa gaarka ah.
Dhanka sirdoonka, waxaa mararka qaar loo adeegsadaa farsamo loo yaqaan “coercion” (qasab ku shaqeysiin), si loo helo xog qarsoodi ah ama loo qoro qof xog-keen ah (agent).
Hay’adaha sirdoonku waxay mararka qaar bartilmaameedsadaan qof leh nuglaansho (vulnerability) sida deyn, fadeexad, ama cadaadis shaqo.
Blackmail waxaa loo adeegsadaa in qofka lagu qanciyo (ama lagu qasbo) inuu bixiyo xog qarsoodi ah.
Qof ku jira hay’ad dowladeed ama shirkad muhiim ah ayaa lagu qasbi karaa inuu bixiyo:
Qorshayaal amni
Xog hawlgal
Sir farsamo
Mararka qaar waxaa loo adeegsadaa in cadaadis lagu saaro mas’uul si uu u qaato go’aan gaar ah.
Tani waxay qayb ka noqon kartaa “influence & leverage tactics”.
Agasimihii hore Hay’adda FBI maraykanka james comey warbixin uu siiyey Senate-ka Maraykanka 2017, wuxuu sheegay in fikradda “kompromat” ay tahay farsamo la yaqaan oo sirdoonku adeegsado si uu u helo leverage (cadaadis).
Wuxuu ku tilmaamay arrinta “a term of art” oo laga yaqaan dhaqamada sirdoonka.
Waxaa dib u eegtaa dhamaan file shii ugu halista badna ama fadexxoyinkii ugu waawayn ee dunida ka dhacay sida
Kiiska Jeffrey Epstein
Fadeexaddii J. Edgar Hoover (FBI Files)
Fadeexaddii Richard Nixon (Watergate)
Stasi – Faylalka Jarmalkii Bari
Dhaman xogahani iyo kuwa la midka ah, waxaa muuqata in awoodda dhabta ah ee qarniyadan casriga ah aysan ku jirin hubka oo keliya, balse ay ku jirto xog. Qofka xogta haya, haddii uusan jirin xakameyn iyo isla xisaabtan, wuxuu noqon karaa mid ka sarreeya muuqaalka rasmiga ah ee awoodda.

Comments
Post a Comment