Maasooniyada... Markabka Titanic.. Dambigii ugu caqliga badnaa taariikhda!!
Sheekada dhabta ah jacayl wey ka fogtahay.
Bal qiyaas in Maasooniyada ay u dhisteen markabka weyn ee (Titanic) oo ay ku bixiyeen kharashaadkan mala-awaalka ah, kaliya si ay 3 nin oo ganacsato ah u dilaan?!!
Waxay dhiseen markabkan cajiibka ah si ay ugu qanciyaan in ay ku dul safraan, kadibna ay ku qarqiyaan, oo ay ku ridaan gunta hoose ee badda, sirtoodana aan weligeed loo helin!!
Sababtuna waxay tahay kaliya iney ka soo horjeedeen fikradda aasaasida Bangiga Kaydka Federaalka Mareykanka (Federal Reserve Bank), Waxay jeclaysteen inay ka takhalusaan si ay ugu gogol xaaraan nidaamka cusub ee adduunka!!
Sida dhabta ah hogaamiyaha Mareykanka ma ahan madaxweynaha Mareykanka, ama Congress-ka, ama wax kale, hogaamiyaha dhabta ah ee Mareykanka waa ((Nidaamka Kaydka Federaalka)) dadka ka ganacsada FOREX-ka wey yaqaanaan muhiimada uu leeyahay marka uu Jerome Powell hadlayo iyo sida uu suuqa u dhaqaajiyo.
Nidaamkan Keydka Federalka ee Maraykanka waxa dejiyay saddex qoys oo Yuhuuddi hore ah: Reer Rothschild, reer Rockefeller, iyo reer JP Morgan... weligeedna qof aanan Yahuudi eheyn madax kama noqon, Markii reerka Rothschild ay la wareegeen Bankiyada Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska ayey ku fikireen iney gacanta ku dhigaan dhaqaalaha Mareykanka, si loo helo lacag badan, loona huriyo dagaallo badan!
Sanadkii 1910-kii, 7 nin ayaa ku kulmay Georgia si ay u aasaasaan bangigan dhexe, waxayna u bixiyeen nidaamka kaydka federaalka, raggaasi waxay ahaayeen: Nelson Adrich iyo Frank Vanderlip oo ka metelayay reerka Rothschild, Henry Davidson, Charles Norton iyo Benjamin Strontium oo metelayay reer Morgan, iyo Paul Warburg oo metelayay reer Rockfeller balse fikradda ah in la sameeyo Kaydka Federaalka waxaa ka horyimid saddex nin oo ganacsato, maalqabeenno ah oo ku adkaystay in ay saameyntooda iyo maalkooda u adeegsanayaan sidii looga hortagi lahaa hirgelinta nidaamkan oo ay u arkeen inuu danahooda ka soo horjeedo. Saddexdan waxay ahayeen: Benjamiin Guggenheim, Isador Strauss iyo John Jacob Astor. Walow ay ahaayeen reero yahuud ah haddana JP Morgan wuxuu go'aansaday inuu ka takhaluso.
Saddexda maalqabeen ayaa lagu martiqaaday safarkii ugu horreeyay ee markabka cusub ee (Titanic) .... Kaas oo loo sameeyay xayeysiin ah inuusan quuseyn wax walboo dhaco. Markabka waxaa iska lahaa White Star Line (oo uu iska leeyahay JP Morgan laftiisa!)
Saddexdi maalqabeen wey ku qanceen fikrada ah in safarka koowaad ee Titanic ay qeyb ka noqdaan, weyna ku halaagsameen, sida aad wada ogtihiin dhacdadan waxay dhacday sanaddi 1912-kii, hal sano kadib 1913-kii waxaa la sameeyay Nidaamka Bankiga Dhexe ee Mareykanka.
Laba sano kadib, dagaalkii koowaad ee aduunka 1914-kii ayaa la huriyay....
Qorshuhu wuxuu ahaa in la abuuro Kaydka Federaalka, kaas oo laga maalgelin doono dagaalkii koowaad ee aduunka, waxaa sidoo kale 1917-kii ay huriyeen kacaankii Ruushka oo meesha ka saaray boqortooyadi!
Waxaa xusid mudan in uu dib uga dhacay safarkan JP Morgan oo saaxiibadiis ku qanciyay inuu la safrayo balse markii uu markabka dhaqaaqi rabo ayuu xanuun sheegtay.
Qorshaha Yuhuuda ay markabka ku qarqiyeen wuxuu ahaa iney bam dhigeen markabka guntiisa, kadibna waxay suuqa soo geliyeen sheekadii buurta barafka, iyo doonyaha badbaadada oo yaraa iney dadka u dhinteen.....!!!
Dabcan qof kasta wuu daawaday filimka Titanic ee been abuurka ah oo dambigii taariikhiga ahaa loo rogay sheeko jacayl oo taariikhi ah!!!!!!!
Iyagoo la isticmaalayo qalab casri ah waxaa dhawaan la ogaaday in barafka ugu dhow uu Markabka u jiro sideed mayl-badeed oo u dhiganta 14.8 Kilo meter... Waxaa kaloo la ogaaday in markabka uu kala jabay intuusan gunta gaarin.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in buug uu qoray Morgan Robertson oo la oran jiray (Dheeldheel) sanadkii 1898-kii, yacni 14 sano ka hor shilkii Titanic uu buugga ka sheekeynayo in markabka ugu weyn adduunka uu ku qaraqmay badwaynta Atlantiga xilli habeen ah, waxa markabkan magaciisa la oran jiray (Titan). Qoraagu waxa kale oo uu u haystay in markabkan uu yahay (mid aanan waligiis quuseyn)... Sida Titanic oo kale doonyaha badbaadada kuma filna markabkan Titan...
Qoraaga ayaa lagu dilay sun labo sano iyo bar kadib markii uu quusay markabkii Titanic, iyadoo meydkiisa laga helay qolkii uu ka deganaa hotelka.... Marka waxaa loo badinayaa in JP Morgan uu xaday qisada buuggan oo uu fuliyay.
Morgan wuxuu si gaar ah u dhisay markabkii Titanic oo uu kharash aad u badan ku bixiyay si uu meesha uga saaro saddexda qof ee taajiriinta ah si ay Masooniyadu u sii wataan qorshahooda.
Waxaa xusid mudan in maalqabeeno aad u tiro badan ay ka hareen safarkan saacado yar ka hor inta uusan markabka shiraacan.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in loo aaneeyay in sababta keentay in markabka uu quuso ay tahay habaarkii Faraaciinta madama uu markabku waday Hooyadii faraacinta ee Amin Rac, oo sida ay sheegeen qofki u dhawaada ay balaayo ku dhaceysay taasoo laga qaaday Madxafka London loona waday Madxafka New York balse baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in naxashkaas uu weli yaallo madxafka London.
Qisadan waa mid caqli ku dhisan oo si heer sare ah looga shaqeeyay, bal qiyaas in si loo dilo saddexdaas maalqabeen iney u dhinteen in ka badan 1,500 oo qof, weligeed waxay Yuhuudda adeegsataa waddooyin shakiga soo yareynaya sida in diyaarad la rido, Markab la qarqiyo, baabuur shil la geliyo, iyo nooc walba oo dilka u ekeysiin kara mid aan la qorsheyn.

Comments
Post a Comment