DAGAALKA CIRIBTIRKA DOLARKA IYO ISBDEDELKA DHAQAALAHA DUNIDA
W axa bilaabmay Dhammaadka haybaddii caalamiga ahayd ee Maraykanku ku lahaa dhaqaalaha caalamka. Wadamada ku midaysan isbahaysiga BRICS (Brazil, Russia, Chine, India iyo South Africa) waxay isu diyaarinayaan beddelka golayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee caalamiga ah ee hada jira sida G7,G20 etc. BRICS waxay ka sare mareen wadamada ku midaysan G7(Germany, France, the United Kingdom, Italy, Japan, Canada, US iyo EU) GDP ahaan . Sido kale waddamo badan ayaa doonaya inay ku biraan isbahaysiga dhaqaalaha iyo siyaasada ee BRICS oo ay ugu horeyaan Mexico, Argentina, Saudi Arabia United Arab Emirates, Egypt, Algeria, and Nigeria. Sannadkii 2014, wadamada BRICS waxay uruuriyeen lacag dhan $50 bilyan (qiyaastii €46 bilyan) oo ay ku fureen "Bangiga Horumarinta Cusub" oo beddel u ah Bangiga Adduunka(World Bank) iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka(IMF). Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee Ukraine, wadamada BRICS waxay aad uga fogaayeen waxa loogu yee...