Posts

Maasooniyada... Markabka Titanic.. Dambigii ugu caqliga badnaa taariikhda!!

Image
Sheekada dhabta ah jacayl wey ka fogtahay. Bal qiyaas in Maasooniyada ay u dhisteen markabka weyn ee (Titanic) oo ay ku bixiyeen kharashaadkan mala-awaalka ah, kaliya si ay 3 nin oo ganacsato ah u dilaan?!! Waxay dhiseen markabkan cajiibka ah si ay ugu qanciyaan in ay ku dul safraan, kadibna ay ku qarqiyaan, oo ay ku ridaan gunta hoose ee badda, sirtoodana aan weligeed loo helin!! Sababtuna waxay tahay kaliya iney ka soo horjeedeen fikradda aasaasida Bangiga Kaydka Federaalka Mareykanka (Federal Reserve Bank), Waxay jeclaysteen inay ka takhalusaan si ay ugu gogol xaaraan nidaamka cusub ee adduunka!! Sida dhabta ah hogaamiyaha Mareykanka ma ahan madaxweynaha Mareykanka, ama Congress-ka, ama wax kale, hogaamiyaha dhabta ah ee Mareykanka waa ((Nidaamka Kaydka Federaalka)) dadka ka ganacsada FOREX-ka wey yaqaanaan muhiimada uu leeyahay marka uu Jerome Powell hadlayo iyo sida uu suuqa u dhaqaajiyo.  Nidaamkan Keydka Federalka ee Maraykanka waxa dejiyay saddex qoys oo Yuhuuddi hore ah: R...

BRICS: Global Powerhouse Alliance

Image
BRICS: Global Powerhouse Alliance Introduction: BRICS, an acronym that stands for Brazil, Russia, India, China, and South Africa, represents a group of nations that have come together to forge a formidable alliance with significant global implications. Each of these countries possesses unique strengths, be it economic prowess, political influence, or cultural richness, and when combined, they create a powerhouse that can shape the course of the 21st century. In this article, we will explore the history, objectives, and impact of BRICS on the global stage. A Brief History: BRICS originated from an idea introduced by Goldman Sachs economist Jim O'Neill in 2001, who coined the term "BRIC" to represent the emerging economic giants of Brazil, Russia, India, and China. In 2006, South Africa joined the group, and it became known as BRICS. The primary goal was to create a platform for cooperation among these nations, recognizing their potential to influence global affairs. Econom...

ARAGTIDIID MAHAATIIR MAXAMED KU DHISAY DALKIISA (1)

Image
Mahaatiir Maxamed, waxa uu dalka Malaysiya raysalwasaare ka noqday sannadkii 1981 kii. Xilligaas Malaysiya waxa ay ahayd dal dhaqaale ahaan aad u liita, horumarkiisuna hooseeyo, laakiin waxa uu u beddelay dal casri ah oo horumar ballaadhan ka gaadhay dhinac kasta; taas oo uu ku mutaystay in lagu nanayso ‘Aabaha Malaysiyada casriga ah’. HORUMARKU WAXBARASHADA AYUU KA BILOWDAA: -------------- Sannadkii 1974 kii Mahaatiir Maxamed waxaa dalkiisa looga magacaabay wasiirka waxbarashada. Markiiba waxa uu baadhis cilmiya ku sameeyey kaalinta ay wasaaraddani bulshada ugu jirto iyo muhiimadda ay u leedahay dalka. Baadhitaankaas waxaa uga soo baxay natiijo ah, ‘In horumarka Malaysiya iyo dal kale oo kastaaba uu ka bilowdo waxbarashada’. Mahaatiir waxa uu bilaabay shaqo adag oo uu ku horumarinayo waxbarashada, muddo 7 sanno ah oo uu wasiirka waxbarashada ahaana, waxa uu saxay qaladaadkii maamul iyo farsamo, waxa aana u suurtagashay in uu si qotadheer u dejiyo aragtida, himilada iyo higsiga fog ee ...

sheekada buugga "THE RULES OF LIFE" XEERARKA NOLOSHA.

Image
Mr. Richard Templar waxa uu buuggiisaan kusoo gudbinayaa xeerar, talooyin iyo tilmaamooyin hadii aan dhaqan gelino nolosheenna ka dhiga sida ugu quruxda badan ee aan jecelnahay in ay ahaato, noloshaas oo ku asteysan farxad iyo guulo mira dhal leh. Waana sababta buuggan ka dhigtey mid aad loo jecelyahay misana loogu iibsiga badanyahay guud ahaan marka la joogo dunida buugaagta. Sadarada soo socda waxa aan isdultaag ku samayn doonnaa xeerarka iyo talooyinka ugu muhiimsan ee ku yimid buuggan qiimaha badan. Halkan inta ka dambeysa waxa kula hadlaya waa qoraaga buugga. HORDHAC Waxa aan isku dayi doonaa in aan kuu soo aruuriyo misana sida ugu haboon kuugu soo gudbiyo xeeararka nolosha ee aan la'aantooda noloshaada hagaageynin, ogolow ama diid!. Xeerarkanu ma aha kuwo ku xardhan dhagxaan dushood, ama wax aan la awoodin, ama aan la ogeynoo gabi ahaantood daahsoon. Waxaa ku dhaqma si caadi ah dadka guuleystey ee mar wal faraxsan, waxa aan ogaadey baadhis dheer dabadeed in dadka guuleystey a...

Dugsi weeye Noloshu!

Image
Waxa aan fahmay in noloshu dugsi tahay. Dhibtu se waa in dad yari arday run ah u noqdaan iskuulkan. Tiro badan oo dadkaa ka tirsani ayaa hadhaw macmiil u noqda dugsiga. Dabcanna “macmiilka” iyo “ardaygu” waa ay kala geddisan yihiin; oo macmiilka [noloshu] waxa uu u sameeyaa wax hore loo sameeyay, balse ardaygu wax cusub ayaa uu la yimaaddaa. Waa sida farqiga u dhexeeya addoonka iyo ardayga oo kale; oo addoonku, sida Yuusuf Qardaawi xusay, lama doodo haystihiisa, balse ardaygu waa uu la doodaa barihiisa.Waxa aan fahmay in wax badan oo aynu akhrinnaa aanu u qalmin in la akhriyo. Buugaag badan ayaa cadaadis iyo caga-juglayn lagu qoray, oo si caaddifaysan oo caqliga ka fog u hadlaya. Buug kale waxa loo qoray si shilimaad loogu doorsado. Qaar kalana waaqicaba ma khuseeyaan! Markaa suuragal ma aha in aynu wax kasta iska akhrinno, sida aanay macquul u ahayn in aynu iska diidno wax kasta. Waxa [halkaa] yaalla jirrabaad adag oo feker; waana meesha ay ku qarsoon tahay fariidnimada doorasho ee qo...

HADRAAWI: FAYLASOOFKA SOOMAALIYA.

Image
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): waxa uu qiyaastii 1943-kii ku dhashay miyiga degaanka gobolka Togdheer. Aabbihii Ibraahim Warsame Siciid oo Walanwal loo yaqaanney, ayaa Alle ha u naxariistee ahaa nin laftiisu wax ka yaqaan curinta maansada Soomaalida, gaar ahaan Afarreyda. Ibraahim Walanwal waxa uu geeriyoodey sannadkii 1983. Hadraawi hooyadii Kaaha Jaamac Buux ayaa iyadu waxa ay xijaabatey naxariistii janno Ilaah ha ka waraabiyee Maxamed oo qiyaastii jira 7-8 sannadood. Hadraawi waxa la dhashay oo ay walaalo ahaayeen toddoba wiil iyo gabadh keliya, waxana maanta nool saddex ka mid ah wiilashaasi. ISHA: Hadraawi Website Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qor...

Waa Ustaad Macruuf Abdi Rahmaan Macruuf oo ka warbixinaya waxa ku hoos duugan sharciga xeerka Kufsiga iyo dhibaatada ka dhalan karta.